Daraasaad Somali Study

DARAASAADKA QOWMIYADDA SOOMAALIDA

  • Maaddadaan daraasaad qowmiyadda Soomaalidu waa maaddo cusub.
  • Waa maaddo aan looga maarmin tayeynta waxbarashada sare.
  • Ardayda ka dhiseysa xagga dareenka qowmiga.
  • Waxaa ay ku beereysaa in uu wax ka ogaado cidda uu yahay,waxaa uu leeyhay,halka uu dunida ugu yaallo,iyo cidda ay tahay ummadda uu ku abtirsado.. Maaddadaanu ma aha mid la mid ah maaddadii afka Soomaaliga.
  • Maaddadaanu waa qormooyin cilmi ah.
  • Waxaa ay wax ka qoray qeybo muhiim u ah inta wadaagta heybta Soomaalinimada.
  • Waxaa lagu fahamsiinaayo ardayda Jaamacadaha iyo macaahidda sare dhigata wax ka dhaxeeya inta ku abtirsata qow.Soomaalida.
  • Waa qormooyin lagu baraayo ardayda Jaamacadaha dhigata halgankii dheera ee Soomaalidu u soo gashay difaaca dalkooda hooyo,iyo ilaalinta isirka iyo afka Soomaaliga, sooyaalkii hore iyo kii dambe ee qoraalka afka Soomaaliga iyo afafka kale oo ay isku bahda yihiin oo ay wada deggan gobalka geeska Afrika.
  • Waxaa aan ku soo qaadanneynaa qormooyin ka hadlaaya hiddaha iyo dhaqan qow.Soomaalida,qaabdhismeed bulshada iyo xeerdhaqameedkii hore ee qowmiyadda Soomaalida.

Mahadcelin

  • Waxaa aan halkaan ugu soo gudbinayaa mahad aan la soo koobi kareynin, dhammaan aqoonyahannadii Soomaaliyeed ,oo dareemay in baahi weyn loo qabo in lagu soo biiriyo maaddadaan manaahijta waxbarashada Soomaaliya, gaar ahaan waxbarashada sare,dadaalkana ugu jiraa in ay maddadaan sii hormariyaan ,si looga dhigo madda madax bannaan oo gaar u taagan.
  • Waxaa kale ,oo aan halkaan mahad gaar ah ugu soo gudbinayaa Wasiirka wasaaradda waxbarashada ,hiddaha iyo tacliinta sare ee dowladda Fed.Soomaaliya Ustaad : Faarax Sheekh C/qaadir ,oo gartay qiimaha maaddadaani u leedahay dalka iyo dadka Soomaaliyeed ,kana soo saaray warqad rasmi ah ee uu ku faraayo dhammaan bahdada waxbarashada in laga dhigo maaddadaan dhammaan Jaamacadaha dalka .

Muuqaalka dhulka qowmiyadda Soomaalida

Tusmada Buugga

  • CUTUBKA KOWAAD
  • DALKA & DADKA QOWMIYADDA SOOMAALIDA
  • CUTUBKA LABAAD
  • ISIRKA & AFKA QOWMIYADDA SOOMAALIDA
  • CUTUBKA SEDDAXAAD
  • HIDDAHA & DHAXAL-DHAQAMEEDKA QOWMIYADDA SOOMAALIDA
  • CUTUBKA AFARAAD
  • QAABDHISMEEDKA BULSHADA SOOMAALIDA

CUTUBKA KOWAAD DALKA & DADKA QOWMIYADDA SOOMAALIDA

  • Ujeeddooyinka daraasaadka Soomaalida.
  • Qaabdhismeedka dhulka qow.Soomaalida.
  • Xudduudaha dhulka qowmiyadda Soomaalida.
  • Qiimaha istiraatiijiyadeed ee dhulka qow.Soomaalida.
  • Jasiiradaha dhulka qowmiyadda Soomaalida.

Baro dalkaaga& dadkaaga.

Su'aalaha Cutubka 1aad .

  • Ka fikir oo iskuday in aad cilmibaaris ku sameysid su'aalahaan ku horyaal, iyo kuwa kale oo kugu soo dhici kara oo xiriir la leh cutubkaan.

  • Su'aalaha Sooyaalka qowm. Soomaalida.

    1. Maxay kala yihiin Soomaali iyo Soomaalimo?
    2. Maxaa qofka Soomaaliga ahi ka faa'iideysanayaa barashada sooyaalka dalkiisa iyo dadkiisa?
    3. Soomaalidu ma tahay ummad leh sooyaal facweyn, mase ma aha?
    4. Sidee lagu ogaan karaa in Soomaalidu leedahay sooyaal facweyn?
    5. Ma dhihi karna dadyowgii degganaan jiray geeska Afrika waayadii hore,waxaa ay ahaayeen awowyaashii hore ee Soomaalida?,masa jiraan waxyaaba arrintaas noo caddeyn kara ee la haayo?.
    6. Ma jiraan astaamo ay lahaan jireen dadkii hore ee degganaa geeska Afriga, oo ilaa iyo maanta laga heli karo Soomaalida maanta joogta?
    7. Ilbaxnimooyinkii hore ee xiriirka la lahaan jireen dadkii hore ee degganaa geeska Afrika Yaa kamid ahaa?
    8. Ma jiraan raadad sooyaal oo ay ka tageen dadk ii hore ee degganaa geeska Afrika. ?
    9. Soomaalidu yay ka sugeysaa in ay cilmibaaris ku sameeyaan sooyaalka dalkooda iyo dadkooda?
    10. Ma saxbaa in la yiraahdo Soomaalidu dalkaan ma degganaan jirin, oo mar dhow ayay yimaadeen ,kadib markii ay ka riixadeen dadkii horay u degganaa ?

Hordhac.

  • Waayadaan dambe,waxaa ku socda maskaxda da’yarta Soomaalida ee soo koreysa,mowjado kala duwan oo ah duullaanka maskaxda, iyada oo la adeegsanaayo qaabab kala duwan.
  • Ujeeddada ka dambeysana ay tahay in laga tirtiro maskaxda facyaalka soo koraaya ee Soomaalida ,wixii fikir halgan ahaa ee ay soo curiyeen awoowyaashii hore ee Soomaalida, kuna saleysna in ay yihiin ummad qura oo isku af,diin,isir ,sooyaal iyo hidde iyo dhaqan ah,dunida looga yaqaan qowmiyadda Soomaalida ee degta gobalka geeska Afrika.
  • Ololahaan cusub, waxaa uu dembi ka dhiga aya halgankii dheeraa ee Soomaalidu u soo gashay meel ay joogtaba in ay dadkooda iyo dalkooda ka xureeyaan gumeystayaashii u kala qeybiyay dadkooda iyo dalkooda 5ta qeybood,una diiday in ay gaaraan midnima qowmiyad Soomaaliyeed iyo in ay aayahooda ka tashadaan.
  • Waxaa kale oo isi soo taraayay , in la buunbuuniyo xuska iyo xasuusashada maalma ku asteysan in kalagoynta lagu kala goynaayo midnimadii Soomaaliyeed ee dhiigga badan ku soo daatday, lagana dhigo maalin mudun In wanaageeda la xasuusto.
  • Fikirka noocaan ah waxaa uu soo ifbaxay wixii ka dambeeyay burburkii dowladdii Soomaalida sanadkii 1991kii,waxaana fikirkaan dabada ka riixaaya kuwii shalay Soomaalida kala qeybiyay iyo kuwa Soomaali nala ah,oo shisheeyuhu u soo kireystay in ay dalkooda hooyo kala dhantaalaan. Waxaanna tusaale u soo qaadan karna ifafaalayaasha fikirka noocaan ah qodobadaan soo socda:
    • In qaar Soomaalida kamid ah ay fagaarayaasha ka sheegaan in wiilka "Adisababa" ku dhashay uu ka xigo wiilka ku dhashay" Muqdisho".
    • In la buunbuuniyo fikirka gobaleysiga,ilaa heer mararka qaarkood ay sheegtaan maamullada qaarkood in ay ka madax bannaan yihiin ama ay la siman yihiin dowladda dhaexe, ama ay isu arkaan in loo baahan yahay in dowlada dhaxe wax kasta oo ay sameyneyso si gaar ah iyaka kala tashato , mudnaan gaar ahna la siiyo.
    • In facyaalka soo koraaya laga baabi'yo ka danqashada debendaabyada dalkooda lagu haayo ,oo caadi looga dhigo in qeyba dalka kamid ah lagula heshiin karo dalal shisheeye iyada oo aan dowladda dhaxe lala socodsiin.
    • In maamulgobaleedyada qaarkood ay degsadaan manaahij u gaar ah ,oo ka duwan manhajka qaranku ugu talgalay ababinta ubadka Soomaalida, ayna diidaan in ay wax ka galaan imtixaanka qaran ,ee lagu bixiyo Shahaada mideysan ee qaranka Soomaaliyeed leeyahay.
    • In facyaalka soo koraaya la baro u danqashada beeshooda iyo gobalkooda kaliya ,ilaa heer la gaarsiiyo in aysan diyaar u noqnin in ay wax ka difaacaan haddii cadaw shisheeye ku soo duulo gobal kamid ah goballada Soomaalida.
    • In si caqiidda ah facyaalka soo koraaya looga dhaadhiciyo in ay riddo tahay dowlad kasta oo dalka ka dhalata,xata haddii uu madaxweyne ka noqdo ninka Soomaalida ugu aqoonta badan diinta Islaamka,haddii iyaku aysam iyaku madax ka aheyn.
    • In Soomaalida la baro ,mar kasta ee dowladu dalka ka dhalata,in la nacsiiyo d owladda iyada oo aan isbarbardhig lagu sameynin, waxaa ay ka gaabisay iyo waxaa ay ku guuleysatay intaba.
    • In qof Soomaali ah laga masaafuriyo gobal kamid ah goballada Soomaalida ama lagu xujeeyo in uu wato b aasboor iyo fiisa uu ku soo galaayo gobalka.
    • In qofka Soomaaliga ah la baro in uu ku faano in uu yahay "Biritish ama Mareykan" ,halkii ay aheyd in la baro in uu ku faano in uu yahay Soomaali.
    • Si haddaba jiilasha soo koraaya loogu ababiyo hanweynidii ,dareenka Soom aalinimada iyo qiimaha ay ugu fadhido qofka Soomaaliga ah,ayaa aqoonyahanna Soomaaliyeed, waxaa ay dareemeen in loo baahan yahay in la helo qormooyin cilmi ah oo la xiriira qowmiyadda Soomaalida, si loo dabaqabto dareenka iyo hankii qofka Soomaaliga lagu aqoon jiray,oo maanta u muuqda mid mugdi sii geleysa ama la dhihi karo waa uu sii dabar go’ayaa.
    • Aqoonyahannadu, waxaa ay u arkaan in sida kaliya ee lagu soo celin karo dareenka iyo qabkii lagu aqoon jiray qofka Soomaaliga ah ay tahay in qofka la baro qiimaha sooyaalkiisa dadkiisa, qiimaha istiraatiijiyadeed ee dalkiisu dunida ku leeyahay, khayraadka dabeeciga ah ee dalkiisa ka buuxa ,iyo in la baro awoodaha dadkiisu leeyahay ,qiimaha qarannimo iyo sharaf ee dalkiisu uu beri ku lahaan jiray dunida .

1.1.Waa maxay Daraasaadka Qowmiyadda Soomaalidu?

  • Daraasaadka qowmiyadda Soomaalidu waa qormooyin cilmi ah, oo si kookooban uga hadlaaya qayba kala duwan oo xiriir la leh dalka iyo dadka qowmiyadda Soomaalida ;sida: Sooyaalka ummadda,qaabdhismeedka dhulka iyo ahmiyadda istiraatiijiyadeed ee uu leeyahay,isirka Soomaalida, dhaxaldhaqameedka iyo hiddaha u gaarka ah, qaabdhismeedka bulshada iyo xeerdhaqameedkii hore ee Soomaalidu isku dhiqi jirtay iwm.
  • Waxaa kale oo aan daraasadka Soomaalida ku soo qaadan doonna qoraallo ka hadlaaya sooyaalkii fartii hore ee Soomaalida iyo qoristii farta cusub ee Soomaalida iyo halgankii dheera ee loo soo galay soo saaridda far lagu qori karo afka qowmiyadda Soomaalida.
  • Sida oo kale daraasaadkaan waxaa aan ku soo qaadan doonna qoraallo ka hadlaaya qiimaha afka Soomaaliga iyo afguriyadiisu ay leeyihiin, iyo qeybaha kala duwan ee uu kala baxo , iyo guud ahaan dhaxldhaqameedka qowmiyadda Soomaalida .
  • Isla daraasaadkaan , waxaa kale ee aan ku soo bandhigi doonna qoraallo ka hadlaaya qaabdhismeedka bulshada Soomaalida, qeybaha ay ka kooban tahay iyo waxyaabaha isku xira bulshada Soomaalida,iyo waxyaabaha bulsho meel wada degan lagu dhisi karo.
  • Daraasaadkaani waa qormooyin si gaar ah loogu soo xulay ardayda dhigata waxbarashada sare;sida :Macaahidda sare iyo Jaamacadaha,si ay wax uga ogaadaan, ugana fahmaan sooyaalka , dhaxaldhaqameedka iyo hiddaha qowmiyadda Soomaalida,laguna dhiirrigeliyo ardayda in ay cilmibaaris ku sameeyaan dhammaan waxyaabahaa xiriirka la leh dalka iyo dadka qowmiyadda Soomaalida.

1.2.Ujeeddooyinka Maaddada daraasadka Soomaalida

  • Ujeeddooyinka ugu waaweyn ee la doonaayo in lagu gaaro barashada maaddada daraasaadka qowmiyadda Soomaalida,waxaa aan ka xusi karna qodobadaan soo socda:
    • In la kobciyo fahamka ardayda jaamacadaha dhigta ay ka qabaan sooyaalka qowmiyadda Soomaalida ,si ay wax ugu bartaan khaladaadkii ay galeen kuwii iyaka ka horreeyay,isla markaana aysan dib ugu noqon khaladkii ay galeen kuwii ka horreeyay, una saxaan wixii khaladdaad ahaa ee horay looga galay qaranimada iyo sooyaalka Soomaalida.
    • In ardayda jaamacadaha dhigata lagu beero dareenka ah,in ay sooyaalka ummadda wax cusub ku soo kordhiyaan,kana s ii ambaqaadaan horuumarinta ummadda halkii la soo gaarsiiyay,si ay ummaddu u gaarto meel ka wanaagsan halka ay maanta joogto.
    • In ardayda jaamacaadaha dhigata la baro waxyaabaha Soomaalidu wadaagto,oo ay wda leedahay, waxyaabaha ay la gaarka tahay iyo waxyaabaha ay la wadaagto ummadaha kale ee dunida.
    • In ardayda jaamacadaha dhigata la baro waxaa uu yahay dhaxaldhaqameedka iyo hiddaha u gaarka ummadda Soomaalida,laguna dhiirrigeliyo jaceylka iyo ku faanka dhaxaldhaqameedka Soomaalida qeybihiisa kala duwan.
    • In ardayda jaamacaduhu ay cilmibaaris ku sameeyaan qaybaha kala duwan ee dhaxaldhaqameedka filkaweyn ee Abkaharka ah, oo facba faca ka dambeeya u soo gudbin jiray intii Soomaalidu soo jirtay.
    • In ardayda jaamacaddu cilmibaaris ku sameeyaan isir ahaan halka Soomaalidu ka soo jeeddo ,iyo astaamaha u gaarkaah isirka qowmiyadda Soomaalida,maadaama aysan jirin cilmIbaaris ku filan, oo ay sameeyeen aqoonyahanna Soomaaliyeed, oo wax ka qoray dhaxaldhaqameedka iyo isirka qowmiyadda Soomaalida.
    • In xogo kookooban laga siiyo aradayda dhigata macaahidda sare iyo jaamacadaha dalka sooyaalka suugaanta Soomaalida iyo laamaheeda kala duwan,ee aan wax badan laga qorin ilaa iyo hadda.
    • In ardayda dhigata jaamacadaha la siiyo xoga kookooban oo la xiriira qaabdhismeedkii hore ee bulshada Soomaalida , lana baro sida lagu dhisi karo bulsho ilbax ah ,oo dunida wax la qabsan karta.
    • In ardayda jaamacadaha la baro xeerdhaqameedkii hore Soomaalida iyo sidii garta loo geli jiray ,loona gaari jiray go’aannada marka xukun la ridaayo.
    • In ardayda lala socodsiiyo in aqoonyahanno shisheeya ah ay wax ka qoreen afka iyo dhaxaldhaqameedka qowmiyadda Soomaalida ,loona baahan yahay in la helo qoraallo cilmi ah, oo ay qoreen aqoonyahanna Soomaali ah, oo si dhab ah u soo bandhigi kara qiimaha iyo waxtarka uu leeyahay dhaxaldhaqameedka qow. Soomaalida, si loogu barbaariyo ubadka Soomaalida.
    • In ardayda jaamacadaha dhigata la baro in Soomaalidu ay leedahay afguriyo kala duwan oo ku abtirsada hal af, oo ah afka qowm.Soomaalida ,afguriyadaas oo ku saleysan kala duwanaashaha degannada dalka qow. Soomaalidu ka kooban yahay, isla markaana tarmiya hodontinnimada afka Soomaaliga.
    • In ardayda jaamacadda dhigata la baro in aan qabiilnimo qaran lagu noqon Karin ,loona baahan yahay in ardayda lagu beero dareen midnimo qaran Soomaaliyeed, oo leh calan qura .
    • In ardayda jaamacadaha dhiganeysa la baro in jinsiga Soomaaligu yahay jinsiga ugu firfircoon ummadaha dega gobalka geeska Afrika sida ay qoreen sahmiyayaashii reer yurub, oo in mudda ah u kuurgelaayay baxaalliga jinsiga Soomaaliga,loona baahn yahay in looga faa’iideysto dhanka wanaagsan.

"In aan qabiil qaran noqeyn *

ku quusta shanta qaaradood”.

(Shirib) Ab/Bacadle.

1.3.Halka Uu Ku Yaal Dhulka Qowmiyadda Soomalida

  • Halka uu ku yaal. Dhulka qowmiyadda Soomaalidu degto, waxaa uu ku yaalla waqooyiga qaaradda Afrika, gaar ahaan dhanka bari ee loo yaqaan “Geeska Afrika.”
  • Xagga dhirirka dhulka Soomaalida. Dhirirka dhulka Soomaalidu degto , waxaa uu ku yaalla inta u dhaxeysa xarriiqa 3aad ee kamid ah xarriiqmaha ballaca (loolalka) ,ee koofur ka xiga dhulbaraha iyo xarriiqa 12aad ee ballaca(loolalka) ,ee waqooyi ka xiga dhulbaraha, waxaa uuna noqonaaya dhirirka uu ku fadhiyo dhulka qowmiyadda Soomaalidu degto 15 xariiq oo kamid ah xarriiqmaha ballaca,oo loo yaqaan (loolalka). (Guud ahaan loolaku waa 180 lool,90 lool dhulbaraha waxaa ay ka xigaan dhanka koofure,90ka kalana waxaa ay ka xigaan dhulbaraha dhanka waqooyi.)
  • Xagga Ballaca dhulka Soomaalida. Xagga ballaca dhulka qowmiyadda Soomaalidu degto,waxaa uu ku yaalla inta u dhaxeysa xarriiqa (dhigta 51aad), ee saaran badweynta hindiya,ee bari ka xiga xarriqa (Girinitishka),oo ah gudaha dhulqaaradeedka qaaradda Afrika, waxaa uuna gaaraya ballacu gudaha qaaradda Afrika ilaa xarriqa 35aad ee dhirirka (dhigaha) ,ee bari ka xiga xariiqa(Girinitishka), waxaa uuna ku fadhiyaa dhulka qowmiyadda Soomaalidu degto 15 xariiq oo kamid ah xariiqmaha dhirirka ee loo yaqaan (dhigayaasha). (Guud ahaan dhigayaashu waa 360 dhig,180 ka mid ah waxaa ay dhacaan galabeedka xarriiqa Giriinitishka,180ka kalana waxaa ay dhacaan dhanka bari ee xarriiqa Giriinitishka .)

1.4. Qaab-Dhismeedka Dhulka Qowmiyadda Soomaalida

Guud ahaan muuqaalka dhulka qowmiyadda Soomaalidu degto,waxaa loo qeybiyaa laba qeybood oo waaweyn,oo loo sii kala qeybiyo (9)qeybhoosaad oo kala ah:

  • Qeybta goballada waqooyi iyo galbeed.

Qeybtaani waxaa ay ka kooban tahay (5)qeybood,oo ku yaalla waqooyiga iyo waqooyigalbeed ee dhulka qowmiyadda Soomaalidu ay degto,waxaa ayna kala yihiin goballa qeybtaani:

  1. Guban. Qeybtaan gubanku waa dhuldeexdka waqooyi , ee u dhaxeeya gacanka cadmeed iyo buuralleyda goolis,waana dhul bacaad ah,oo leh carro guban ah, cimilladiisuna aad u kulul yihiin,waana dhul leh geedgab badan,waxaana ka baxa geedo ay kamid yihiin daranta iyo xadhuunka iwm, waana dhul ku habboon dhaqashada xoolaha noocyadooda kala duwan.
  2. Buuralleyda goolis. Qeybtaan buuralleydu,waa dhulka buuralleyda ah ,ee ugu sarreeya dhulka qow.Soomaalidu degto, waxaana loo kala qaadaa laba qeybood ,oo kala ah:
    • Buuralley silsilad tixana ah,oo loo yaqaan "Silsiladda goolis", waxaa ayna ka soo billaabaneysa galbeedka magaalada "Harar" ama “Adari”. Buurta ugu dheer buuralleydaan silsiladda ahna waa buurta loo yaqaan surad,oo dhirirkeeda xagga badda lagu qiyaaso in uu u dhaxeeyo (68000)(6-8000)cagood.
    • Buuralley kala go'go'an,oo loo yaqaan "calal",sida:
      • Cal madow,waa buuraha u dhaw magaalada “Qandala.”
      • Cal miskood,waa buuraha u dhaxeeya “Qandala ilaa Caluula.”
      • Cal karkaar,waa buuraha ku hareereysan magaalada “Iskushuban”.
      • Cal bari,/Boqor ,waxa buuraha u dhaxeeya “Boosaaso ilaa Qardho”.(1) Cilmillada gobalkaan waa meeldhaxaad,waana gobal ku habboon beerashada dalagya gaar ;sida: sarreenka,mesagada,tufaaxa,iyo dalagya kale ,oo aan ka bixin dhulka hoose.Xagga dhaqashada xoolaha waa looga fiican yahay,maadma gobalku uu yahay dhul aan sinneyn.
  3. Dooxo. Qeybtaan dooxadu waa gobalka ku yaalla koofurta buuraha goolis, oo u dhaxeeya buuralleyda goolis iyo dhulka oogada ah,oo ay ku soo rogmadaan biyaha ka yimaada silsiladda buuralleyda goolis xilliyad roobabku da’ayaan, kadibna biyuhu waxaa ay sameyaan togag biyaha qaada oo badda weynta hindiya ku shuba. Cimillada gobalkaan dooxadu waa meel dhaxad ,waana gobalka ugu wanaagsan goballada waqooyiga,waana dhul ku habboon dhaqashada xoolaha nugulka loo yaqaan ;sida: Lo'da iyo gammaanka iyo ariga.
  4. 0ogo. Qeybtaan 0ogadu waa dhulka sare ee xagga dhirirka ku xiga dhulka buuralleyda ah,waana dhul ku habboon dhaqashada xoolaha noocyadooda kala duwan,iyo beerashada dalagyo gaar ah;sida: Galleyda,mesegada ,digirta ,qaraha iwm. Gobalkaanu waxaa uu caan ku yahay togag waaweyn, oo biyaha roobku maraan, sida badanna lagama faa’iideysto biyaha roobabka ,intooda bandanna waxaa ay ku shubaan badweynta hindiya ;sida :Togga dharoor,iyo togga Nugaaleed iwm.
  5. Howd. Qeybtaa howdku waa dhul leh ciid cas ,oo ay ka baxaan geedaha waaweyn ; sid: Quracda,lebida,iwm. Sidaa oo kale, waxaa laga hela gobalkaan caws badan,waana dhul ku habboon dhaqashada xoolaha noocyadooda kaladuwan,haddii loo helo biya ku filan oo ay cabbaan.Xaagga beerashada ,waa dhul ku habboon beerashada dalagyo kala duwan;sida: Galleyda,meseggada,digirta,qaraha iwm.
  • Qeybta goballada Koofure iyo Bari.

Qaybtaan labaad waa qeyb ka kooban (4)gobal oo la xiriirta badweynta hindiya.Togagga ku yaalla goballadaan waxaa ay u hoobanaayaan koofur boqollaal (km)(km), waxaana mara goballadaan webiyada sida badan aan go’in ,oo ka yimaada galbeedka iyo koofurgalbeed Soomaaliya ,sida :"Webi Shabeelle iyo webi Jubba. Qeybtaan waxaa ay u qeybsanta muuqaal ahaan (4) gobal oo kala ah:

  1. Xeeb. Qeybtaan xeebtu, waa dhulka xaalufka ah, ee biyaha baddu ku soo faafaan, lehna bacaadka guurguura ,oo biyaha badda saaran.
  2. Deex. Qeybtaa deexdu, waa dhulka carracadka ah,ee la jeeda xeebta badda,cimilladiisuna sida badan waa kulul yihiin meelaha qaar,waana dhul ku habboon dhaqashada xoolaha nugulka ah ;sida :Ariga gaar ahaan idaha iyo lo'da ,waxaana lagu beeran kara dalagyo ay kamid yihii"Digirta,Waanbaha,Qaraha iyo Meseggada".
  3. Dhoobeey. Qeybtaan dhoobeydu waa dhulka carramadowda ah,oo ku yaalla hareeraha webiyada dalka ,waana dhul leh dhir badan, waxaana ka dhasha dhoobeyda cayayaan dadka iyo duunyada cuna, oo khatar gelin kara haddaan laga daweyn,waana dhul ku habboon tacbashada beeraha iyo dhaqashada xoolaha nugulka ah.
  4. Dooy. Qeybtaan doygu waa dhulka leh ciidda guduudan, oo u eg dhoobeyda, lehna keyn badan,waxaa uuna u dhaxeeya labada webi ee (Jubba iyo shabeelle) ,waana dhul ku habboon dhaqashada xoolaha noocyadooda kala duwan.Xagga tacbashadana waa dhul ku habboon haddii uu helo biyo ama roob ku filan.(2)

Guud ahaan muuqaalka dhulka qowmiyadda Soomaalidu degto, waxaa uu u egyahay" seddex –xagal" aan toosneyn, geeskiisuna uu noqonaaya geeska “Gordafooy”(Raas caseyr, ama geeska carafta) ,feerta waqooyi ee seddax-xagalkuna waxaa ay ku dhirirsan tahay gacanka cadmeed.

Dhirirka feertaan waqooyi waxaa uu gaaraya 600 mayl, laga billaa bo geeska gordafooy ilaa laga gaaraayo irridka (Baab Al- Mandab), ee ku yaalla cirifka waqooyi ee dalka Jabbuuti.

Feerta koofurbari ee seddax-xagalku waxaa ay ku dherersan tahay koonfurta badweynta hindiya,dhirirka feertaanuna waxaa uu ka billaabanaya geeska gordafooy,waxaa uuna gaaraya 1200m/l,oo ku eg xadka webiga “Taana” ee ku yaalla waqooyibari ee gobalka N.F.D.ee gumeysigii Engiriisku raaciyay dalka kenya,kaas oo ah xadka ugu koofureeya dhulka qowmiyadda Soomaalidu degto.

Salka seddax-xagalku ku fadhiyo, waxaa uu noqonaaya xudduudda dhabta ah ee dhulka qowmiyadda Soomaalidu degto, oo ku dhirirsan dhulka buuralleyda”Shawa”ee ah xudduudda kala qeybisa qowm. Soomaalida iyo dalka Xabashida.

1.5.Bedka &xudduudaha dhulka qow. Soomaalida.

  • Bedka dhulka. Bedka dhulka qowmiyadda Soomaalidu degto , waxaa lagu qiyaasa in uu gaaraayo ilaa 1000,000km21000,000 km^2, oo laba jibaaran , inta Jamhuuriyadda Soomaalidu ku fadhido waxaa lagu qiyaasa in uu gaaraayo 637657km2637657km^2 oo laba jibbaaran,oo kamid ah dhulweynaha qowmiyadda Soomaalida, (1km2. qiyaas ahaan =1.6mayl).

  • Xudduudaha dhulka qowm.Soomaalida. Xudduudka dhulka qowmiyadda Soomaalidu degto , waa xudduud ballaaran, oo isugu jirta xudduud dhuleed iyo xudduud badeed, kuna gedaaman dhulka qowmiyadda Soomaalidu degto.

    • Xudduudka dhulka (Birriga).

      • Xudduudka dhulka ee waqooyiga dhulka qowmiyadda Soomaalidu degto ,waxaa uuna ka billaabanaya marinka loo yaqaan “ Baab-Almandab”(3) oo ku yaalla cirifka waqooyi ee dalka Jabbuuti ka saran yahay dalka Ereteriya, xadkaasuna waxaa u soconaaya dhanka koofurgalbeed, waxaa uuna maraaya “Webiga Hawaash” oo ah xudduudka birriga ee kala xadeya Soomaalida iyo itobiya.

      • Marka khadka xadku uu dhaafo xudduudda Itobiya, waxaa uu u soconaaya dhanka koofure,waxaa uuna maraa meel waxoogaa ka sokeysa magaalada “Marsabad” ee ku taalla dalka keenya.

      • Inta kadibna xadku waxaa uu u soconaaya dhanka koofurbari ilaa uu ka gaaraayo “Webiga Taana” ee ku dara badweynta hindiya,oo ah xadka kala qeybiya Soomaalida iyo dalka kenya.

      • Waxaanna halkaa ka fahmeynaa in qow.Soomaalidu ay xudduud la leedahay( 3